Radio





Random Video

Random Avatar

Poll

Al-Shabab maxay yihiin?

Dad xumaato wadato!

Dad amaano wadato!

Somali Weblinks

Users Online

· Guests Online: 41

· Members Online: 0

· Total Members: 413
· Newest Member: Salman4us

Login

Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.


Advertisement

Random Photo

Ads

Tell A Friend


Your email:
Friend's email:
Copy for you?


Dawlada KMG ah ee Somalia iyo xoogga kasoo horjeeda oo guulo kala sheegtay dagaalkii shalay

Dhinacyada ku dagaalamaya magaalada MUqdisho ee caasimada Dalka Somalia ayaa waxa ay guulo ku kala sheegteen dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada wadanka Somalia dagaakaas oo ahaa dagaal ay iskaga hor yimaadeen ciidamada Dawlada KMG ah ee Somalia iyo xoogga Islaamiyiinta.


Dagaalkan ayaa waxaa guulo xoogan kala sheegtay dhinacyadii dagaalamayay iyadoo dhinac kastaa uu qabtay shir jaraa'id oo uu kaga hadlayo dagaalkii shalay ka dhacay xaafado kamid ah magaalada Muqdisho kuwaas oo uu ku dhexmaray dagaal khasaare xoogan gaystay iyo waliba duqaymo xafadaha ah.

Sheekh Cali Maxuud Raage (Sheekh Cali dheere) oo ah Afhayeenka Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa waxa uu xusay mar uu shir jaraa'idku qabtay magaalada Muqdisho in dagaalkii shalay ay guulo xoogan ka gaadheen ayna la wareegeen goobo ay ku sugnaayeen ciidamada Dawlada KMG ah ee Somalia dagaalkii shalayna kaga itaal roonaadeen.

Sidoo kale afhayeenka Ururka Xisbul Islaam Sheekh Muuse Cabdi Caraale ayaa waxa uu xusay in ay ciidamada Dawlada KMG ah ee Somalia ay ka dileen ciidamo aad u fara badan kuwaas oo hadda yaal goobihii dagaalada ayna guulo xoogan ka gaadheen dagaaladii shalay kuwaas oo hadda uu ku tilmaamay inay gabi ahaanba ciidaada Dawladu ay aaggii shalay baneeyeen.

Hadaba Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade) oo ah wasiiru dowlaha gaashaandhiga dowladda KMG kuna labisan dharkii ciidanka ayaa isaguna waxa uu shir jaraa'id ku qabtay xarunta Villa Somalia halkaas oo ku xusay iny dagaalkii shalay ku awood roonaadeen jabiyeena ciidamadii Islaamiyiinta ayna hadda goobihii dagaalada ay iyagu ku sugan yihiin

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Name:

Validation Code:


Enter Validation Code:

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Powered by PHP-Fusion and released without warranties under GNU Affero GPL v3.